Dowladda Soomaaliya oo Deeq Waxbarasho siisay ardayda reer Sudan ee usoo qaxay Muqdisho

Oct 15 (Jowhar)-Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa deeq waxbarasho siisay Ardayda reer Suudaan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Qoysas u dhashay dalka Suudaan ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo ka soo barakacay colaadaha dalkooda ka socda.

Suudaan ayaa ka mid aheyd dalalka deeqaha waxbarasho ugu yaboohay Ardayda Soomaaliyeed, kaddib burburkii dowladdii dhexe, halkaasoo kumanaan arday ay jaamacadaha dalkaas ku soo waxbarteen wixii ka dambeeyay 1991.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More