Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay falcelinta ka dhalatay soo celinta xiriirkii Cuba
Apr. 08 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa ka hadlay falcelinta ka dhalatay dib usoo celinta xiriirkii Cuba, taasoo dad badan ay dowladda ku dhaliileen.
Wasiir Haruuse ayaa sheegay inaaney waxba ku jabneyn in dowladsa ay dib usoo celiso xiriirkii ay la leheyd Cuba, isagoo qiray in dunida haatan ka dhamaatay siyaasadda cadaawada joogtada ah.
“Cuba haddii ay shalay cadowgeenna ahayd , maanta inaan saaxiib noqono waxba kuma jabna” ayuu yiri wasiir Haruuse oo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan inaysan ciddina cadow ka dhiganin.
Soomaaliya iyo Cuba ayaa dhawaan ku heshiiyay in dib loosoo celiyo xiriirkoodii oo xumaa 46 sano, iyadoo safiirka Cuba ee Soomaaliya, Juan Manuel Rodriguez uu ka mid ahaa saddex safiir oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Talaadadii.
Cuba ayaa kamid eheyd dowladdo Soomaaliya kala saftay Itoobiya sanadii 1977, xiligaas oo uu dhexmaray dagaal culus oo khasaare lixaad leh dhaliyay.