Dowladda Soomaaliya oo la wadaagtay Masar natiijada wadahadaladii Itoobiya ee Ankara
Dec 16 ( Jowhar)Dowladda Soomaaliya ayaa la wadaagtey Masar, natiijada wad-hadalladii saddex geesoodka ee Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegtey Wasaaradda Arrimaha-dibedda Masar.
Wasiirka Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Axmed Fiqi iyo dhiggiisa Masaarida, Badar Abdelatty ayaa sidoo kale ka wada-hadlay u diyaar-garowga Madasha Masar, Soomaaliya iyo Eriteriya oo mar kale la qabanayo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Wasiir Fiqi maanta uu safar ugu baxayo magaalada Qaahira, si dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siisi uu ugu qanciyo in heshiiskaasi aanu kahor-imaneynin danaha Masaarida ee dalkan.
Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxaa horyaala caqabad kale oo ah sidii iyana Eritrea loogu qancin lahaa isu soo dhawaanshaha cusub ee Xukuunadaha Muqdisho iyo Adis-ababa.