Dowladda Soomaaliya oo maanta heshay laba diyaarad Drone ah oo duqeymo fuliya
Mar 18 (Jowhar)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ay soo gaartay labo ka mid ah diyaaraddaha Drone-ka ee loo yaqaano Akinci oo ka weyn tan TB2 oo horay dowladda Soomaaliya loogu deeqay, horayna uga qeyb qaadatay howlgalo duqeyn ah.
Haddaba maxay tahay Akinci oo ay dheer tahay TB2 ?
-Waxay si xiriir ah u duuli kartaa Ilaa 25 saac
-Waxay qaadi kartaa gantaalo culeyskoodu gaarayo ilaa 1,500 oo kiilo
-Waxay halki mar xambaari kartaa ilaa 8 gantaal
-Waxay duuli kartaa masaafo dhan 7,500 oo Kilomitir (Xamar intay ka duusho ayay Cape Town, South Africa soo duqeyn kartaa, kadibna Xamar kusoo laaban kartaa)
-Halkii xaba, qiima ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay gaari karti ilaa 8 Milyan oo doolar.
-Dowladda Soomaaliya waxaa u iibisay Dowladda Qatar oo Turkiga uga dalabtay.
-Qiimaha ku kaca hawl-gelinteeda (run cost) waxay aad uga hooseysaa diyaarada dagaalka ee uu duuliyaha wado
-Gantaalada ku rakiban waa Supersonic (Micnaha waa in gantaalka lagu hago laser marka diyaaradda laga rido, si bartilmaameedka loola beegsado)
-Waa diyaarad awood u leh inay burburiso bartilmaameed walba
-Waa diyaaraddii waxbadan ka badeshay furrimaha dagaalka, gaar ahaan dagaalkii Armenia iyo Azerbaijan, Itoobiya iyo TPLF.
-Dalalka geeska Afrika ee dhawaan soo iibsaday waxaa kamid ah Kenya oo ciidankeeda cirka ku qalabeysay dhawaan.