Dowladda Soomaaliya oo Q.Midoobe kala hadashay abaarro dalka kusoo wajahan
Jan 06 ( Jowhar) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayay ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya, George Conway.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, qorshaha ka jawaabista baahiyaha banii’aadannimo ee 2025 iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo SoDMA.
Dhinacyadu waxa ay isku raaceen in la qabto shir guud oo looga hadlayo sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha dadka nugul, iyadoo dhaqaale loogu uruurinayo dadka dhibban.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa dhinacyada ku boorriyay in la xoojiyo dadaallada kaalmeynta danyarta iyo wada-shaqeynta hay’adaha gargaarka.