Dowladda Soomaaliya oo qiratay in Shabaab ay weerar ku qaadeen madaxweyne Xasan Sheekh

Mar 18 (Jowhar)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday Kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh maanta xilli ay marayeen dagmada Xamar Jajab.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo kusii jeeday furimaha dagaalka ee Hirshabeelle uuna si nabad ah ku gaaray.

DFS ayaa intaas ku dartay in dad Shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More