Dowladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay guddiga doorasho uu magacaabay Axmed Madoobe
Nov 10 (Jowhar)-Dawladda Federaalka ayaa sheegtay in aysan waxba kajirin guddigii doorasho ee uu magacaabay xalay MW Jubbaland oo uu sharci darro yahay, waxayna sheegtay in aysan aqbalsaneyn doorasho kasta oo ay JL gaar u qabsato.
Warsaxaafadeed lamariyey wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidaas lagu sheegay, kaas oo lagu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland waqtigii ka dhamaaday August 2023-kii.
“Dowladda Federaalka waxay cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Axmed Madoobe ku magacaabay Guddi is doorasho, waxeyna uga digaysaa tallaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Dad badan ayaa aaminsan in MW Xassan Sh warkan cusub ee kayimi dowladiisa iyo ficilkisii 2019kii ee uu ku taageeray Axmed Madoobe ay is burinayaan, isagoo la dagaalamaya Villa Somalia.