Dowladda Soomaaliya oo sheegatay iney 130 Shabaab ah ku dishay gobolka Sh.dhexe
Feb 20(Jowhar)Dowladda Soomaaliya oo soo saartay War-saxaafadeed ayaa faah-faahin ka bixisay dagaal.maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka au dowladda guulahan ka sheegatay waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in AS laga dilay 130 ruux lagana furtay hubiyo gaadiid.
Xaaladda ayaa wali ah mid kacsan, waxaana gurmadyo kala duwan helaya dhinacyada dagaalamaya.