Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in bisha June ay qabaneyso doorasho iyo qof iyo cod ah

Mar 26(Jowhar)Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay bishan June ee nagu soo aadan qabanayso doorashooyin qof & cod ah, Degmooyinka Koonfurta & bartamaha dalka, sidaas waxaa sheegay gudoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

21 maalmood oo dheeraad ah ayuu sheegay in loogu daray Ururada doonaya in ay ka qeybgalaan doorashooyinkaas is diwaangalintooda.

2 sano kahor, ayaa dawladdu sheegtay in ay qof iyo cod qabanayso, ilaa haddana laguma guuleysan 2 jadwal ayaa fashilmay, iyagoon isku dayga gaarin.

Dagaalada ku foorara kooxda Al-shabaab ayaa la sheegaa in hadafkoodu qeyb ka tahay sidii kooxda loo durjin lahaa si diorashadaa qof iyo codka ah loo qabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More