Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Doolow

Dec 23  ( Jowhar) Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay weerar qorsheysan ku soo qaadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabadsugidda NISA iyo Booliska.

“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falkan lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More