Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya laga saaray howlgalka cusub AUSSOM
Nov 09 (Jowhar)-Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya si rasmi ah looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda dalalka Midowga Afrika kaas oo Soomaaliya ka bilaabanaya horraanta sanadka 2025.
“Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in howlgalkan cusub uu dhinacyo badan uga duwanaan doono howlgaladii hore oo ay qeyb ka tahay in dalal cusub lagu arki doono.
Arrintan ayaa la xiriirta khilaafka xargaha goostay ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo ka dhashay heshiiskii bilowgii sanadan Abiye Axmed uu la galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Wadahadalo dhowr jeer ah oo ay Turkiga isugu tageen wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan wax natiija ah kasoo bixin, iyadoo shirat kale loo madlan yahay.