Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii xarunta gobolka Banaadir

Jan. 22 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la soo afjaray weerarki Shabaab ay barqanimadii maanta ku galeen xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Visha Governo.

Qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la toogtay dhamaan xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarkan soo qaaday, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay lix dagaalame.

Sida lagu sheegay warka dowladda, howlgalka oo ahaa laba waji ayaa qeybtiisii hore lagu soo badbaadiyay mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

“Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawl-gal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda ayaa sheegtay iney ku guuleysatay iney toogatay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo damacsanaa iney saacado badan xarunta iska sii heystaan.

“Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.”

Waa weerarkii 4aad oo Shabaabku ka gaystaan Caasimadda Muqdisho, tan iyo intii uu dib xafiiska ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More