Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney u diyaar garowday dagaal ay la gasho Itoobiya

Sep 12 (Jowhar) Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in haddii ay Itoobiya ay ku sii socoto dhaqangalinta Is afgaradkii Muuse Biixi ay ka dhigan tahay, dagaal iclaamin cad oo ay Soomaaliyana ka jawaabayso, iskana difaacayso xadgudubka madax banaanideeda ee Itoobiyaanka isku dayayaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad oo wareysi siiyey Al-Jazeera ayaa cadeeyey in ay Soomaaliya qaadayso talaabooyin adag oo ku difaacanayso dalkeeda ayna haysato ciidan iyo awood ku filan, oo ka hortagaysa damaca Itoobiya.

Mr, Balcad ayaa sheegay in aysan wali ciidanka Masar tagin Soomaaliya, balse ay sugayaan waqti dhaw in ay yimadaan, si ay qeyb uga noqdaan Amniga gudaha & difaaca madax banaanida Soomaaliya, oo sidaas codsatay dawladda Faderaalka.

Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in ay Masar geysay Muqdisho saanad milateri dhawaan, looguna talo-galay in loo isticmaalo la dagaalanka argagixisada iyo cid kasta oo kusoo xadgudubta madax banaanida Soomaaliya.

Xigasho: Faarax Maxamed

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More