Dowladda Soomaaliya oo si lama-filaan ah uga hadashay hubka ay ka heshay Masar

Sep 23 (Jowhar) Dowladda Soomaaliya auaa markii u horeysay war kasoo saartay markabka Hubka badan siday ee Masar usoo dirtay, kaasoo shalay kusoo xirtay dekeda Muqdisho, dajinta hubka saaranna xalay oo dhan ay socotay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo bartiisa Facebook soo dhigay sawirka isagoo dhinac taagan markabka hubka sida ayaa sheegay ineysan jirin dowlad ay kala tashanayaan cida ay Soomaaliya saaxiib dhow la noqoneyso.

“Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno.Gobanimo!” Ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu hadalkiisa intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay”

Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda Muqdisho uu soo gaaray markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo baabuur waawayn looga soo daabulay, waxaana la geeyay wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale ee lagu kaydiyo hubka dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More