Dowladda Soomaaliya oo talaabo adag ka qaaday askar furimaha dagaalka kasoo carartay
Apr 10 (Jowhar) Taliyaha Alsuubta Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciiddamadii Furimaha hore ku sugnaa ay dib ugu soo laabteen Muqdisho iyaga oo dib u iibinaya qoryihii ay ku dagaallamayeen.
Taliye Mahad ayaa xusay in ay tallaaboooyin adag ka qaadeen ciidanka iibsaday qoryihii dagaalka loogu tala galay kuwaas oo qaarkood xasbiga la dhigay qaar kalena dib loogu celiyey Furimaha dagaalka ee ay ka soo carareen.
” Ninkii Qori la soo baxsaday, qorigii baannu ka gudnay, kii iibsadayna Gaal-Shiraha (Xabsiga) ku jiraa, kii Qoorigii aan gadan ee goobta ka soo tegay waxa aan dib ugu celinay furimihii uu ka yimid ” ayuu yiri taliye Shub.
Si kastaba, Askar ka tirsan ciidanka Asluubta oo dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa deegaano ka tirsan gobolka Sh.dhexe ka dagaalamaya, iyadoo maalin kahor dagaal xooggan uu dhexnaray iyaga iyo kooxda Shabaab.