Dowladda Soomaaliya oo wafdigii u horeeyay u dirtay dalka Itoobiya kadib heshiiskii Ankara

Dec 22  ( Jowhar) Dowladda Soomaaliya ayaa wafdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib heshiiskii Madaxda labada dal ku gaareen Ankara.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay.

Wararka ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya C/llaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin War Saxaafadeedka Wasaaradda.

Socdaalkan wafdiga Dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin Ciidamada Itoobiya, kaasoo dhex maray Ciidamka DFS iyo kuwa taabacsan Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More