Dowladda Soomaaliya oo xanibaad saartay xildhibaano iyo saraakiil ku wajahnaa Baydhabo
Sep 17 (Jowhar) Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha Adan Cadde lagu xanibay xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ku wajahnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saraakiisha amniga garoonka ay diyaaradaha ka reebayaan mas’uuliyiintan oo ka jawaabayay fariinta madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-gareen ee ahaa in la isugu yimaado Baydhabo oo ka dhacaya shir looga tashanayo xiisadda Koofur Galbeed iyo Villa Soomaaliya.
Talaabooyinkan ayaa daba socday fashilka kusoo dhamaaday kulamo shalay soo bilowday oo xalay soo gaarayay oo u dhexeeyay Lafta-gareen, Sheekh Aadan Madoobe, Xamze iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiisada labada dhinac ayaa cirka sii galeysa, waxaana saacadaha soo socda la filayaa in arrimahan soo kordhay ay war kasoo saarto maamulka Koofur Galbeed, taasoo si weyn isha loogu wada hayo.