Dowladda Turkiga oo xabsiga dhigtay duqa magaalada Istanbul
Mar 19(Jowhar)Dowlada Turkiga ayaa xabsiga dhigtay Duqii(maayirkii) Magaalada Istanbul, Ekrem İmamoğlu, isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo gacan-siinta koox argagixiso ah.
Talaabadan ayaa waxaa cambaareeyay xisbiga mucaaradka ugu weyn, iyagoo ku tilmaamay “isku day afgambi oo ka dhan ah madaxweynaha xiga.”
İmamoğlu, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Dadka (CHP), ayaa muddo dheer loo arkayay inuu yahay mucaaradkii ugu weynaa ee Madaxweyne Tayyip Erdogan.