Dr Abdikarin Muxidiin oo si rami ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD

Aug 10(Jowhar.com)-Dr. Cabdikariim Muxaydiin Axmed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, kadib xaflad xilwareejin ah oo ka dhacday Xarunta Jaamacadda Town Campus, isagoo hoggaanka jaamacadda kala wareegay Guddoomiyihii hore, Dr. Daahir Xasan Cabdi.

Dr. Cabdikariim, oo ay si rasmi ah u magacaaben Guddiga Maamulka Sare ee Jaamacadda Agoosto 8, 2024, waxa uu leeyahay khibrad aad u ballaaran iyo hogaamin la taaban karo, isaga oo horey uga soo qabtay xilal kala duwan Jaamacadda, sida Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda dhanka horumarinta,

Xoghayaha Guud ee Golaha Jaamacadda, Agaasimaha Iskaashiga Caalamiga ah, Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha, iyo Hormuudka Kulliyadda Culuumta Tignooloojiyadda. Khibraddiisa oo ballaaran iyo hoggaamintiisa saameynta leh ayaa ka dhigaysa Dr. Cabdikariim mid ku haboon in uu sii wado dadaalada iyo horumarka Jaamacadda, kuna hoggaamiyo Jaamacadda heerar cusub.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa in hoggaanka Dr. Cabdikariim uu Jaamacadda gaarsiin doono heerar cusub,” ayuu yiri Dr. Abdul-Rahman Saleh Al-Muhailan, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Sare ee Jaamacadda. “Aragtidiisa fog ee tacliinta sare waxa ay si buuxda ula jaanqaadaysaa himilooyinka Jaamacadda.”

Guddoomiyaha Jaamacadda ee xilka kasii degaya, Dr. Daahir Xasan Cabdi, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo Dr. Cabdikariim in uu Jaamacadda u sii horseedi doono guulo waaweyn. “Waxay ii ahayd sharaf gaar ah in aan ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD sagaalka sano iyo barkii lasoo dhaafay. Waxaana hubaa in Dr. Cabdikariim uu sii wadi doono guulaha iyo horumarada ay ku tallaabsatay Jaamacadda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More