Duqa Muqdisho oo gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga iyo furista wadooyinka xiran
Jan 06 ( Jowhar) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda, isku xirka bulshada iyo Hey’addaha Amniga, Furista waddooyinka xiran, Taageerida Ciidanka iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsoonta Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbixin loogu dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Police Millitary, kuwaasi oo soo bandhigay guulaha dhinaca Amniga ee Magaalada Muqdisho iyo qorsheyaasha xasilinta Caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay hormarka dhinaca amniga ee ka jira Caasimadda, asigoona hey’addaha amniga ku amaanay sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida amniga muwaadinka, waxa uuna xusay in guulaha amniga ay horseed u tahay maalgashiga, dib udhiska iyo horumarinta nolasha bulshada.