Duqeymo dhanka cirka ah ayaa ka dhacay dekadda Xudeyda ee dalka Yemen

Sep 29 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo lagu qaaday magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yemen. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in la duqeeyay haamaha shidaalka.

Xudeyda, oo Xuutiyiinta gacanta ku haysay tan iyo 2021, ayaa muhiim u ah gaarsiinta cunnada iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin dadka Yemen, kuwaas oo ku tiirsan wax soo dejinta.

Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacay Israa’iil waxayna carqaladeeyeen ganacsiga caalamiga ah ee dhex mara badda cas iyagoo ka jawaabaya weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso Gaza.

Israa’iil ayaa duqaymo ku qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen Axaddii ka dib markii mintidiinta Xuutiyiintu ay gantaallo ku dhufteen Israa’iil labadii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo muujinaysa is-dhaafsiga cusub ee waji kale oo colaadda gobolka ah.

Milateriga Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tobaneeyo diyaaradood oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ay weerareen xarumaha korontada iyo deked ku taal dekedaha Ras Ciise iyo Xudeydah.

Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ay maamusho ayaa sheegtay in afar qof ay ku dhinteen 29 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More