Duqeymo lala beegsaday xarun ay shir ku lahaayeen saraakiil iyo maleeshiyaad Shabaab
Sep 02 (Jowhar.com)-Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaankan xilligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxdaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in inta badan xubnihii halkaas ku sugnaa lagu dilay weerarkan, wallow aan la shaacin tirade rasmiga ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xaqiijiyay jabka koxodaasi lagu gaarsiiyay howlgalkan oo dhinaca cirka ahaa, iyadoo kooxda la beegsaday ay wadeen abaabulka guluf ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka.