Duqeymo xooggan oo lala beegsaday Qasa oo khasaare badan dhaliyay
Mar 18 (Jowhar)-Kooxda Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuu burburiyay heshiiskii xabbad joojinta Qasa.
Waxa ay sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil xalay ka fulisay Qasa ay su’aal gelineyso mustaqbalka dadka lahaystayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas.
Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in ugu yaraan 220 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka geysatay Qasa.
Sarkaal Israa’iili ah ayaa BBC-da u sheegay, in weerarku uu sii socon doono inta loo baahan yahay, oo aanu ku ekaan doonin oo kaliya duqaymaha cirka.
Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in ay xirtay iskuullada ku dhow Qaza kaddib weerarradaas.
Mahmoud Abu Wafah, ku xiigeenka wasiirka arrimaha gudaha Qasa, oo ah sarkaalka xaga amniga ugu sareeya ee Qasa, ayaa lagu soo warramayaa inuu kamid yahay dadka lagu dilay duqeynta Israa’iil.