Duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan oo Saddex ruux oo isku qoys ah ay ku dhinteen
Jan. 31 (Jowhar.com)- Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaanka Quracley oo ka tirsan degmada Jalalaqsi ay ku geeriyoodeen illaa toddobo ruux oo saddex kamid ah ay walaalo ahaayeen.
Gantaal aan la garanayn halka laga soo ridey ayaa ku dhacay gelinkii dambe ee shalay meel ay joogeen dadkan dhintey iyadoo halkaa ay ka carareen maleeshiyaadka Alshabaab oo halkaas ku sugnaa.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Alshabaab ee halkaas ku sugnaa ay ku xireen saddex wiil oo walaalo ah meel xabsi u ahaa,waxaana sidoo kale halkaas ku sugnaa dad qaraabo ay ahaayee oo u keenay cunto.
“Dhammaan dadkii u keenay cuntada iyo kuwii xirnaa waxa ay ku wada dhinteen goobta markii uu madfacu ku dhacay.”ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dadka dhintey oo u waramayay weriye ka tirsan Jowhar.com.
Magacyada dadka ku dhintey gantaalka ayaa lagu kala sheegay Axmed Maxamed Nuur oo 20 sano jir ah,Cabdi Qaadir Maxamed Nuur oo 18 sano jir ah,Qeys Maxamed Nuur oo 8 sano jir,Cabdi llaahi Maxamuud Ciise oo 14 sano jir ah,Cumar Maxamed Abuukar oo 18 sano jir ah,Axmed Khadar Ibraahiim Cusmaan oo 13 sano jir ah iyo Casir Xasan Cabdi oo 14 sano jir ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka iyo Maamulka Hirshabelle oo la xiriira dhacdadan.