Duuliye kaligii ka badbaaday shil diyaaradeed ay ku dhinteen 18 ruux
Jul 24 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad yar ay ku dhacday garoonka diyaaraduha caasimadda Nepal ee Kathmandu
Duuliyaha, oo cusbitaalka la dhigay, ayaa ah qofka keliya ee ka badbaaday shilkii diyaaradda Saurya, Dhammaan dadkii la socday diyaaradda 18 u dhalatay Nepal iyo muwaadin Yemeni ah oo ahaashaqaale u shaqaynayay markab ayaa geeriyooday.
Sawirro laga soo qaaday booliiska dalka Nepal ayaa muujinayay qiiq aad u xooggan oo ka kacayay diyaaradda gubatay oo maraysay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka.
Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay ka soo duushay Kathmandu kuna wajahneyd magaalada Pokhara abbaare 11 subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah,
Shilkan diyaaradeed ayaa mar kale muujinaya khatarta safarka hawada ee Nepal, oo ah waddan inta badan lagu tilmaamo mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan ee duullimaadyada sababo kala duwan oo ay ku jiraan dhul buuraley ah.
In kasta oo waddanku uu horumar ka sameeyay heerarka badbaadada sannadihii la soo dhaafay, caqabadaha ayaa weli jira, iyo la’aanta maalgashi la’aanta diyaaradaha duqoobay waxay kordhinaysaa khatarta duulista.
Sanadkii la soo dhaafay, dalka Nepal waxaa ka dhacay shilkii diyaaradeed ee ugu xumaa in ka badan 30 sano, ka dib markii ugu yaraan 68 qof ay ku dhinteen markii diyaaradda Yeti Airlines ay ku dhacday meel u dhow Pokhara.
Bishii Maajo 2022, diyaaradda Tara Air oo ka soo duushay Pokhara ayaa ku burburtay buur, halkaas oo ay ku dhinteen 22 qof.
Horraantii 2018-kii, diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee US-Bangla Airlines oo ka soo duushay caasimadda Bangladesh ee Dhaka kuna socotay Kathmandu ayaa ku burburtay markii ay soo caga dhigatay oo uu dab qabsaday, waxaana ku dhintay 51 qof.
Sannadkii 2016-kiina, diyaarad ay lahayd Tara Air ayaa burburtay iyadoo ku duuleysa isla dariiqii 2023-kii.