Elon Musk oo ku baaqay in la baaro xarunta aadka loo ilaaliyo ee Fort Knox

Feb 18(Jowhar)Hadalka Musk ayaa yimid kadib markii ay dad baraha bulshada isticmaala soo jeediyeen in la xaqiijiyo jiritaanka 4,580 tan oo dahab ah oo la sheegay inay ku kaydsan yihiin Fort Knox.

Waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay u baahan tahay in sannad walba la hubiyo.

Doodda uu Musk keenay ayaa soo jiidatay dareenka siyaasiyiinta, waxaana arrintaas taageeray Senatar Rand Paul, oo sheegay in la furo xarunta Fort Knox si baadhitaan dhab ah loo sameeyo.

Fort Knox waa xarun aad loo ilaaliyo, waxaana lagu kaydiyaa qayb ka mid ah hantida dahabka Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddo dheer jiray shaki laga muujinayo jiritaanka dahabkaasi, maadaama aanu jirin baadhitaan rasmi ah oo halkaas lagu sameeyay tan iyo 1974, taas oo ku beegan markii uu burburay heshiiskii Bretton Wood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More