Ergeyga cusub ee Q.Midoobe Catriona lainga oo Deni ku qancisay wadahadal uu la furo dowladda
Jun. 11 (Jowhar.com)-Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona lainga ayaa sheegtay in madaxweynaha maamulka Puntland ay kala hadashay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda dhexe.
Haweneydan oo shalay booqatay magaalada Garoowe ayaa sheegtay in kulan gaar ah oo ay la yeelatay Siciid C/llaahi Deni ay iskula soo qaaden arrimaha federalka iyo dhameystirka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
Deni ayey tilmaamtay inuu diyaar u yahay wadahadal uu dowladda dhexe kala yeesho arrimaha uu tirsanayo six al looga gaaro muranka oo saameenaya dadaalada deyn cafinta Soomaaliya.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maqlo sida cad ee ay madaxweynaha uga go’an tahay wadahadalka, sidoo kalena doorkiisa ka qaadan doono unkidda iyo dhamaystirka Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka,” ayay tiri Marwo Catriona.
Catriona lainga oo toodbaadkii hore soo gaartay dalka ayaa durba bilowday safari ay ku kala bixineyso maamul goboleedyada, waxa ay haatan booqatay Jowhar iyo garoowe oo xarumo u ah maamulada Hirshabelle iyo Puntland.