Ergeyga Midowga Afrika oo soo dhaweeyay dib usoo laabashada xiriirka Somaliya iyo Itoobiya

Jan 13 (Jowhar)-Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa bogaadiyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan dib loo soo celiyay.

Arrintan ayaa lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 11-kii bishan, kaddib kulan ay wada qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey inay dib u soo nooleeyaan metelaad diblomaasiyadeed oo buuxa si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Danjire Souef ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya dhaqan gelinta ballan qaadyadii Ankara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inuu dib u soo cusboonaada xiriirka diblomaasiyadeed, xoojinta iskaashiga amniga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee kobcinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Abriil 2024 markii Soomaaliya ay eriday safiirkii Itoobiya iyadoo uu muran ka taagnaa heshiiska Somaliland. Khilaafku waxa uu salka ku hayaa heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaanayay inay hesho deked Somaliland ah si ay u hesho aqoonsi madax-banaanida Somaliland. Xiisaddu way sii korodhay ilaa lagu xaliyay Ankara ee ay Turkigu dhexdhexaadisay bishii Diseembar 2024.

Baaqa Ankara ayaa bishii December ee lasoo dhaafay lagu gaaray wadahadal uu martigeliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyadoo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay goobjoog ka ahaayeen.

Soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loo arkaa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka dhisidda kalsoonida, kor u qaadista amniga, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha Geeska Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More