Faah faahin kasoo baxeysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay Hindiya

Apr 23(Jowhar) Ugu yaraan labaatameeyo qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen koox dalxiisayaal oo booqanayay goob qurux badan oo ku taal Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, sida ay mas’uuliyiintu u sheegeen BBC.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Pahalgam, oo ah magaalo qurux badan oo ku taal buuraha Himalayas oo inta badan lagu tilmaamo “Switzerland-ta Hindiya”.

Madaxa gobolkaas, Cumar Cabdallah, ayaa sheegay in weerarku uu ” aad uga weynaa weeraradii ay arki jireen oo si toos ah loogu beegsan jiray rayidka sanadihii la soo dhaafay”.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxa Midowga Yurub Ursula Von der Leyen ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha caalamka ee cambaareeyay weerarka.

“Warar murugo leh ayaa ka soo baxaya Kashmir. Mareykanka wuxuu si adag u garab taaganyahay Hindiya ka hortagga argagixisada,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Von der Leyen ayaa weerarka Kashmiir ku tilmaantay “weerar argagaxiso oo xun”, halka Putin uu diray “tacsi ” kuna tilmaamay falkaan “dambi arxan darro ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi – oo soo gaabiyay safar uu ku joogay Sacuudi Carabiya ka dib weerarka – ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay “la horkeeni doono sharciga”.

“Go’aankayaga ku aaddan la dagaalanka argagixisanimada waa mid aan la badeli karin, wuun sii xoogaysanayaa,” Modi ayaa sidaasi ku daabacay barta, X.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin waxaa ka socday kacdoono tan iyo sannadkii 1989-kii, inkastoo sannadihii u dambeeyay ay sii yaraanayeen rabshaduhu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More