Faahfaahin Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Apr 01(Jowhar)-IDiyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa shil diyaaradeed ku gashay garoonka diyaaradaha Aden Cadda kadib markii lugihii ay ku degi lahayd ay u bixi waayeen.

Hase yeeshee diyaaradan ayaa laga soo badbaadiyay dhammaan dadkii saarnaa oo ahaa shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasoo gaarayay illaa 22 ruux iyagoo bed qaba.

Diyaaraddan oo ay lahayd QM ayaa saakay barqanimadii ka kacday garoonka muqdisho, iyadoo kusii jeedda magaalada bayshabo balse uu u bixi waayay lugta  hore sidaa daraaddeedna waxay kusoo laabatay garoonka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

“Diyaarad markii ay cilladi ku timaaddo waxaa jira hab-raac loo maro, badda ayaan kor geynay si dabka loo yareeyo, shidaalkaan ka dhamaynay, intaan shidaalka ka dhamaynaynay waxaan boobsiinnay dhammaan diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa, Alle mahaddiis si nabad ah ayay ku degtay 22 qof oo UN ayaa saarnaa, cid wax ku noqotay ma jirto, deb demiska iyo Ambalasyaduna heegan ayay noo ahaayeen, wax mushkilad ahna ma dhicin”.

Dhabbaha ay ka haadaan diyaaradaha oo uu mashquul ku yimid awgeed ayaa la hakiyay duullimaadyada garoonka illaa 5-ta galabnimo ee maanta, sida uu sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasa

Shilkan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa imaanaya xilli maalmo kahor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradaasi ku dhintay shaqaalihii diyaarada la socday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More