Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo kala tagay
Sep 01 (Jowhar) Lataliyihio hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku dhawaaqay ineh kala tageen madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Fatmaajo.
Fahad oo sidoo kale soo noqday Agaasimihii hore ee ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”
Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in arrintan salka ku heyso khilaaf sanadihii danbe soo jiitamayay, taasoo sal u ah guildaradio doorashadoi u danbeysay.
Lama oga halka uu ku biiri doono Fahad, waxaase jirta ilaa saddex kulan oo isaga iyo Sheekh Shariif ku dhexmaray dalla Turkiga, iyadoo loo badinayo inuu halkaasi u wareejin doono arrinihiisa siyaasada.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin;