Fahad Yaasiin oo farta ku fiiqay Saddex dowladood oo garab siinaya Axmed Madoobe
Jan 19 (Jowhar) -Taliyihii hore ee Nabad Sugida Qaranka Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay safarka uu shalay Axmed Madoobe ku tagay magaalada Nairobi oo dowladda Kenya ay usoo dirtay diyaarad gaar ah, taasoo ka careysiisay Villa Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 ay 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐛 𝐬𝐢𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚ab 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐝𝐚𝐧𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐤𝐡𝐬𝐢 𝐚𝐡 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐨 𝐥𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐚.
Mr. Fahad ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wax ku keeni waayey dagaal iyo heshiis, uuna ku fashilmay arrinta Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.
Halkan hoose ka akhriso qoraalkiisa:
RUNTA KHARAAR: Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo.
Cudurrada qaarkood hadaadan iska daaweyn karin waxaa jira kaniiniyo loo qaato si aad ula noolaato xanuunka. Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado.
Nabad iyo colaad waxaa hadeer dhaw nabadda. Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo.