Fanaan Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Jarmalka

Mar 04(Jowhar)Fannaankii Soomaaliyeed ee Mr.Qaadiro ayaa lagu diley magaalada Ditzingen ee dalka Jarmalka, sida ay werisey warbaahinta Soomaalida dalkaasi.

Alle ha u naxariistee marxuumka waxa la sheegey in uu mindi ku diley nin Soomaali ah oo ay wada degenaayeen qol ku yaal kaam qaxoonti.

Ciidamadda booliska dalka Jarmalka ayaa lagu soo wareamayaa iney gacanta ku dhigeen danbiilaha falkaasi dilka ah geystay, kaasoo baaritaano ay ku socdaan.

Si kastaba, Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa si aad ah u hadal heysa dhacdadan, kuwaasoo cabsi xooggan ah soo wajahday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More