Farmaajo oo Mucaaradka uga baxay Aag Culus

Nov 26  ( Jowhar)Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si lama filaan ah uga aamusay taageerada doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Tani waxey soo bandhigtay kala aragti duwanaan cusub iyo kala shaki u dhaxeeya isaga iyo mucaaradka.

Mucaaradku waxay quud-dareynayeen inuu soo saari doono war-saxaafadeed rasmi ah oo uu ku taageerayo Axmed Madoobe si loo mideeyo mowqifyada mucaaradka, balse aamusnaantiisu waxay muujisay in xiriirkooda uu yahay mid aan xooganeyn oo aan ku dhisnayn kalsooni buuxda.

Go’aanka Farmaajo ee uu kaga aamusay arrinkan ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed ee mucaaradka, Iyadoo hore loo ogaa in Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas mucaarad ahaa uu taageeray doorashadii Axmed Madoobe ee 2019, taasoo isbahaysigii mucaaradka ee xilligaas mideysnaa u suura-gelisay in Xasan Sheekh ku guuleysto doorashadii 15 May ee madaxtinimada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More