Gaadhi Laga Dhex Helay 2 Qof Oo Mayd Ah magaalada Hargeysa

Dec 19  ( Jowhar)Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in saaka gaari laga dhex helay laba qof oo Meyd ah, iyadoo dadku falkan si aad ah u hadal hayaan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada qof oo midi haweeney tahay halka ruuxa kalena uu nin raga yahay oo askari ah la ogaaday in jirkooda wax dhaawac ah ku yaalin.

Ciidamada amniga oo tagay halka falkan uu ka dhacay ayaa wada baaritaano, iyagoo xiray halka kagu arkay gaariga ay labada ruux saarbaayeen.

Majiro wali wax war ah oo ay laamaha amniga nagaalada Hargeysa kasoo saareen falkan, waxaana dadku ay noqdeen kuwo baqdin ay lasoo daristay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More