Gaadiid hub sidey oo lagu weeraray deegaan ku dhow Cabudwaaq

Jul 15 (Jowhar.com)- Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo la xiriira dagaal ka dhacay Deegaanka Shiilo-madoow oo ku dhaw Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ilaalo ka ahaa labo gaari oo kuwa xaamulka ah.

Gaadiidkan ayaa wararku sheegayaan inay ka yimaadeen deegaanka Soomaalida Itoobiya, xamuulka saarnaana ay kamid ahaayeen hub.

Maleeshiyo deegaanka oo weeraray gaadiidkan ayaa sababay geerida illaa lix ruux oo labada dhinac ka tirsan waxaana ka mid ah nin magaciisa lagu sheegay Feysal oo ka tirsan ciidamada Nabad Sugida Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii weeraray gaadiidkan ay u suurtogashay inay la wareegaan gaadiidkii xamuulka ahaa isla markaana ay ka qaateen hubkii saarnaa ayna la galeen gudaha magaalada Cabudwaaq.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug ee la xiriira dhacdadan,illaa hadana si dhab ah looma oga halka uu hubka ku socday iyo cidda lahayd.

Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ka dhaca dagaalo u dhexeeya beelaha dega halkaas kuwaasoo haysta hub noocyo kala duwan leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More