Gabar Soomaali ah oo lagu dilay magalada Stockholm banankeeda

Dec 17 (Jowhar)-Nin 40 jir ah oo qaba dhibaato maskaxeed oo halis ah ayaa looga shakisan yahay inuu haweeney 28 jir ah ku dilay Valsta fiidnimadii Axadda.

Nin 40 jir ah ayaa loo xiray tuhunka dilka Nimco Daa’uud oo 28 jir ah oo lagu dilay magaalada Märsta oo ka tirsan Sigtuna.

Nimco, oo u shaqaynaysay kalkaaliye caafimaad, ayaa mindi lala dhacay iyada oo ka soo timid shaqada fiidkii kuna sii socoto gurigeeda.

Booliiska ayaa TV4 u sheegay inuusan jirin xiriir la garanayo oo ka dhexeeya dhibanaha iyo tuhmanaha.

Sida laga soo xigtay TV4, ninkan ayaa hore looga daweeyay dhibaatooyin halis ah oo dhanka maskaxda ah, waxaana lagu xukumay daryeel dhimir oo qasab ah ugu dambayn sanadkii 2022.

Wali ma cadda sababta ka danbeysa weerarka, booliskuna waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo wax aragti ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More