Galmudug oo qaaday talaabo yareyneysa weerarada gaadmada ah ee Shabaab
Jan. 26 (Jowhar.com)-Maamul goboleedka Galmudug, ayaa deegaannada ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka mamnuucday in lagu iibiyo Khaad.
Wasaaradda amniga maamulkaas oo amarka soo saartay, ayaa sheegtay in askarta furimaha ku jira uu khatar xooggan ku hayo Khaadka, oo marka ay cunaan dayacaan difaaca loogga baahan yahay.
Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada marka ay faarujiyaan furimaha dagaalka, ay u weeciyaan awoodda dhanka iyo iibsashada Qaadka.
Sida uu sheegay Gaboobe, amarka mamnuucista Qaadka, ayaa waxa uu saameynayaa dhammaan dadka keena Qaadka deegaanada uu haatan ka socdo hawlgalada ee maamul goboleedka GalMudug.
Wasirka amniga GalMudug, ayaa tilmaamay in ganacsatadii aan u hoggaansamin awaamiirta lasoo saarey, loola tacaamuli doono, waa sida uu sheegaye wasiirka, kooxda Alshabaab