Ganacsato lagu dhex dilay goobohooda ganacsi oo ku yaala magaalada Muqdisho

Oct 28 (Jowhar)-Seddax ruux oo lahaa dukaamo ganacsi ayaa lagu dilay agagaarka iskuulka Axmed Gureey ee dhanka degmada Daara Salaam ee magaalada Muqdisho.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay u xirneed kaamirooyin kuwaas oo ay ku amartay Dowladda iyagoo dhagaha ka fureystay Hanjabaadda Kooxda Shabaab.

Ciidamadda amaanka oo tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo, waxeyna ku guuldareysteen iney soo qabtaan danbiilayaashii falkaasi ka danbeeyay.

Sadaxdaan ruux  ee la dilay saaka ayaa ku biiraya Tobaneeyo qof oo dukaamadooda lagu dhex dilay kuwaas oo keliya sababsaday Gacan Argagixiso arxan daran iyo Dowlad dayacday Amnigooda .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More