Gaudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo shaaciyay ninka fududeeyay Ismiidaamintii lala beegsaday

Aug. 11 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaasi bartilmaameedkiisa waxa uu ahaa guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo ka badbaaday isku daygaasi dilka ah, walow dhaawac fudud uu kasoo gaaray.

Dadka weerarkan ku dhintay waxey hada mareysaa 8 ruux, halka dhaawaca uu intaasi kasii badan yahay.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) ayaa sheegay in Ismiidaamiyaha uu gudaha halka uu ku sugnaa uu soo galiyay sarkaal kale, aadna ay isugu dhawaadeen walow uu Alle ka badbaadiyay.

“Gaari ayaa lagu keenay, dhagarta cadowga si walba ayay kugu soo galayaan. Nin qarsoona ayaa jiray oo ninkaas ayaa iisoo qaaday oo keenay. Marka qaraxa dhacayay wuxuu iga maqna afar daqiiqo, oo Shabaab ayuu la hadlayay,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa intaasi kusii daray in ninka fududeeyay weerarkaasi uu hore ka shakisnaa, haatanna ay soo baxday cadeyntii.

“Aad waxaa u fiicnaan laheyd inta uu gacanteena soo galin hadda intaan oo xaqiiqo ah hayn lahaa maanta ragga la duugaya lala duugi lahaa. Weligay cadow xabsi ma geyn in maanta xabsi u diro waxaa keenaya gacanta uu soo galay waaye.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More