General Bashiir Goobe oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

July 23 ( Jowhar.com)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, ayaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug loogu doortay kursi kat irsan golaha Shacabka, kaa oo horey isaga casishay xildhibaanadn katirsaneyd golaha Shacabka.

Kursiga summadiisu aheyd HOP 18 waxaa horey doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ugu soo baxday Xildhibaan Sahro Colaad Cabdi, waxaana la sheegay in xildhibaannadan ay iska casishay kursigan ayna go’aansatay in ay booska u banneeso Sareeye guud Bashiir Goobe.

Kuraas dhowr ah oo katirsan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa hadda bannaan, kuwaa oo ay geeriyoodeen xildhibaannadii horey ugu fadhiyay, waxaana kuraasta bannaan kamid ah kursigii Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More