Golaha Amaanka ee Q.Midoobe oo cusbooneysiiyay cunaqabateenta saaran Al shabaab
Mar 04(Jowhar)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shalay dib u cusbooneysiiyay xayiraadihii uu horay u saaray kooxda argagixisada ah ee Al Shabab.
Dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka ayaa aqlabiyad buuxdo ku ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2776, kaas oo kordhiyay muddada xayiyaaradaha kala duwan ee saaran Al Shabab.
Guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ayaa soo gudbiyay warbixintii ugu dambeysay, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana awood u leh in ay fuliyaan weeraro adag oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah