Golaha shacabka oo ansixiyey hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare

Nov 06  (Jowhar)-Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay Kulanka 35-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

Intaas ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday hindise sharciyeedka, waxaa na ogolaaday 140-Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.
Guddoomiyaha guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahad celisay ansixinta hindise sharciyeedkan, iyadoo sheegtay in qeybaha ay quseyso ay kala tashadeen islamarkaana ay ku dareen fikradhihii iyo talooyinkii ay Xildhibaanadda ka dhiibteen akhrintiisii labaad.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo muhiim u ah Tacliinta sare ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More