Golaha shacabka oo si aqlabiyad u ansixiyay sharciga NISA iyo Mahad Salaad oo noqday Agaasimihii u…

Feb. 06 (Jowhar.com)-Xildhibaanada Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sigidda Qaranka ee “NISA”.

144 xildhibaan, ayaa oggolaaday, saddex xubnood, ayaa ka aamustay, halka hal xildhibaane uu diiday.

Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa noqonaya sharcigii u horreeyay ee Hey’addu yeelatay ku dhawaad muddo 55 sano.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa noqday agaasimihii u horreeyay ee Hey’adda soo mara oo sharci u sameeya Hey’adda.

Sharcigan ayaa horyaalley golaha baarlamaanka maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay xubnaha golaha ay ka doodeen.

Dhanka kale, taliyaha Hay’adda Nabad sugidda, iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa war uu soo saarey uga mahad celiey Golaha shacabka meel marinta hindise sharciyeedka hey’adda.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ansixinta sharcigani uu muhiim u yahay amniga qaranka, la dagaalanka Alshabaab, iyo in laga ilaaliyo in magaca hey’addani lagu sameeyo takri fal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More