Golaha Wadatashiga Qaran oo shir ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe & Deni uga socdo Muqdisho

Oct 27 (Jowhar)-Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta mar kale shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeybgaleen madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda saddexda Dowlad Goboleed ee Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lag sheegay in wada-tashiyo kadib ay madaxda isku soo laabteen, isla markaana laga wada-hadli doono muddada uu socdo shirkooda arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta cusbaa maqnaanshaha Jubbaland, iyadoo hore loo ogaa in Puntland aysan ka qeybgalin shirarkii hore ee NCC.

Haddaba saameyn noocee ah ayay yeelan kartaa karta maqnaanshaha labadan maamul ee Jubbaland iyo Puntland, haddii go’aanno laga soo saaro shirkan. Ma waxay la mid noqon doonaan shirarkii hore ee dowladdii hore oo sidan xaalka u ahaa, Puntland iyo Jubbaland labada goorba ay ka maqan yihiin?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More