Golaha wadatashiga qaran oo soo farageliyay xiisada SSC

Aug 27 (Jowhar.com)-Madaxda dowlad Gobaleedyada & Madaxda dawladda Faderaalka oo shir uga socday Dhuusa-Mareeb, ayaa goor dhaw soo dhamaaday, iyagoo ku heshiiyey in arrinta dagaalka gobalka Sool ka dhacay laga hadlo.

Madaxdan ayaa ku heshiiyay In labada dhinac ee dagaalantay loogu baaqo xabad joojin, dagaalka in la joojiyo, lana aado wada hadal nabad lagu dhalinayo, mawqifkan oo uu horey Madaxweyne Xassan Sheekh u soo jeediyey.

Waxa ay sidoo kale hay’adaha samafalka ka codsadeen in gurmad lala gaaro dadka ku barakacay dagaalada Laascaanood oo socda mudo sanad kudhow.

Si kastaba, xaalada gobolka Sool ayaa ah mid kacsan, iyadoo Somaliland ay wado dhaq dhaqaaqyo ay ku dooneyso iney dib ugu qabsato deegaanadoo lagala wareegay todobaadkii hore oo ay ku jirto saldhigoodii Goojacade.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More