Golaha wakiillada oo laalay Dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib ee xeer ilaalinta ay ka soo gudbisay

Sep 03 (Jowhar) Ka dib xariggii shalay ee xildhibaan Abiib, waxaa la iskugu yeeray fadhi loo dhan yahay oo looga arrinsanayo xarigga xildhibaanka iyo eedeymaha loo jeediyay.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta laga hor akhriyey Dacwaddii ay dhawaan xeer ilaalinta Somaliland kasoo gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib, waxa ayna isku raaceen in xildhibaanka aanan laga qaadin xasaanadiisa, sidoo kalena aan lagu sameyn maamuus ka xayuubin.

Fadhiga golaha oo ay soo xaadireen 57 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah lagu laalay dacwadihii ka dhanka ahaa xildhibaanka ee ay xeer ilaalinta soo gudbiyeen.

57 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay xildhibaan Abiib, halka 3 mudane ay ogolaadeen, sidoo kale 2 xildhibaan ayaa ka aamusay, ugu danbeyna gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in sidaas ay ku burtay eedeymihii loo jeediyay xildhibaan Maxamed Abiib oo haatan maxbuus ah.

Xildhibaanka ayaa horay u wajahay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u hiilin cadow, iyo in uu ka hor yimid danaha qaranka.

Ka dib markii uu soo idlaaday codka gacan taagga ah ayay laba ka mid ah xildhibaanada golaha isku gacan qaadeen waxaana la arkayay muuqaal laga soo duubay golaha xilli ay isku gacan qaadayeen laba xildhibaan oo kala ah Barkhat Jaamac Batuun iyo Jamaal Jaah oo labaduba golaha ka tirsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More