Golaha Wasiirada oo Ansixiyay heshiisyo Soomaaliya ay la gashay dalalka Qatar iyo Shiinaha

Oct 31  (Jowhar) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029)  iyo Bulshada Bariga Afrika. Waxaa kale oo warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More