Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Xisbiyadda

Aug 08 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa maanta gudoomiyay shirka Khamiislaha e egolaha wasiirada, kaasoo si aad ah isha loogu hayay.

Golaha Wasiirada ayaa kulankooda ku ansixiyay Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Xisbiyadda, kaasoo billow u ah mashruuca Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada Qof iyo Cod.

Sharciyaddan ayaa la fillayaa in la horgeeyo Golaha Shacabka, si looga doodo, waxaana calaamad su’aal saaran tahay hannaanka loo ansixin doono, maadaama Mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin qorshaha doorashada ee Madaxtooyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More