Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la faray amar la xiriira dagaalka Puntland ee Daacish
Feb 06 (Jowhar) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii u horeysay ka hadlay gulufka dagaal ee ku foorara kooxda Daacish ee ay wado Puntland.
Shirka Khamiislaha ah ee wasiirada oo uu gudoominayay ra’iisul wasaare kuxigeenka Saalax ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.